Haweenayda lagu wado inay RW ka noqoto Talyaaniga oo xambaarsan aragti dhibi doonta Soomaalida dalkaa ku nool (Warbixin)

0

(Roma) 27 Sebt 2022 – Giorgia Meloni ayaa lagu wadaa inay noqoto haweenaydii ugu horreeysey ee Raysul Wasaare abid ka noqota dalka Talyaaniga oo ah qof aaminsan aragtida Fajiistaha ayaa caqabad ku noqon karta qaxooti badan oo Talyaaniga gala oo ay Soomaalidu ka mid tahay.

Ms Meloni oo uu isbahaysigeeda xisbiga midig-dhexe ay haatan haystaan wax ka badan 43% codadkii la dhiibtey si ay usoo dhisaan xukuumadda xigta, ayaa hadda kahor xitaa u ololaysay in maraakiibta dagaalka ee Talyaanigu ay go’doomiyaan dalka Liibiya, si tahriibayaasha looga horjoogsado in ay ka soo tallaabaan badda Dhexe ama Mediterranean-ka.

XISBIYO ISKU KARIS AH – Xisbiga Meloni ee Fratelli d’Italia ama Walaalaha Talyaaniga ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashada aad u muujiyey in uu ka soo horjeedo oo aad u diiddan yahay soo galootiga.

Yeelkeede, xisbigani ma fulin karo qaar badan oo ka tirsan yoolalkiisa maadaama aanu aqlabi ahayn oo uu isbahaysi kula jiro axsaab ujeedo badan ah oo ay qaarkood bidix iyo midig dhexe tihiin.

Waxa ka mid ah xisbiga Leegada Woqooyi ee uu hoggaamiyo Matteo Salvini iyo xisbiga Forza Italia ee uu madaxda ka yahay Raysul Wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi.

Xisbiga Fratelli d’Italia ee ay hoggaamiso Meloni dhanka siyaasadda dibedda wuxuu taageeraa agartiga Gaashaanbuurta NATO, balse lama dhacsana oo waa uu ka soo horjeedaa siyaasadaha qaar ee ururka Midowga Yurub (EU).

Hiillo heer gobol ah – Waxaa Giorgia Meloni haatan farriimo taageero iyo dhiirigelin isugu jira ku waalaya xisbiyo midig fog ah oo aragti cunsuriyaysan xambaarsan sida xibiga Sharciga iyo Caddaalada ee dalka Poland, xisbiga Fidesz ee uu hoggaamiyo Raysul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban, iyo xisbiga Midigta fog ee dalka Spain ee lagu magacaabo Vox.

Sidoo kale waxaa la isku khilaafsan yahay aragtida Talyaaniga ee Ruushka. Giorgia Meloni, wxaa ay iyadu aad u taageertaA xayiraadaha ka dhanka ah Dowladda Ruushka, sababo la xiriira duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, yeelkeede waxaan aragtidaas hadda la wadaagin Matteo Salvini oo hoggaaminaya xisbiga Leegada Woqooyi, oo ka mid noqon doona xulufada xisbigeeda xukuumadda la dhisaya.

Sidoo kale, Silvio Berlusconi oo ah qori aan amaan lahayn, marar badanna ku faanay saaxiibtinnimada kala dhaxaysa Madaxwaynaha Ruushka ee Vladamir Putin, waxa uuba xitaa ku doodayay in hoggaamiyaha Ruushka ‘lagu cadaadiyey’ in uu ku duulo dalka Ukraine.

Berlusconi waa ninkii Meloni dhadhansiiyey xilkii ugu waynaa ee ugu horreeyey markii uu wasiir ka dhigay 2008, iyadoo markaa 31-jir ahayd.

Hadalsame Media