(Addis Ababa) 27 Sebt 2022 – War Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF ay dagaalka u adeegsanayso gawaarida hay’adaha gargaarka, sida lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Itoobiya.
Yeelkeede, kooxda TPLF oo dhiibaysa jawaab middi middi ku taag ah, ayaa waxay iyana sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Itoobiya ay duqeeyeen gawaari xamuul ahaa oo ay lahayd WFP, kuwaas oo raashin u waday gobolka Tigraay.
Haatan ayaa waxaa soo baxaya sawirro muujinaya gawaari u kiraysan hay’adda Cuntada Adduunka ee ka tirsan QM ee WFP oo ay ku raran yihiin wax u eg askar hubaysan, iyo mid kale oo muujinaya gaarigii oo guban. Waloow ay sawirradu u egyihiin kuwo la macmalay.
”Halkee laga heli karaa caqliyaddan gurracan ee TPLF oo kale? Hubka iyo dablayda ku daabulaya waxa loogu yeero gaadiidka gargaarka bini’aadminnimo,”
Dowladda ayay kula qaylinayaan inay weerareyso gargaarka bini’aadminnimo. Maxay dadkani u roon yihiin?” ayuu is waydiiyey weriye Dereje Haile.
የወያኔን የመሰለ የወረደ አስተሳሰብ ከየት ይገኝ ይሆን? ለሰብዓዊ እርዳታ በተባሉ ተሸከርካሪዎች የጦር መሳሪያና ታጣቂዎችን እያመላለሰ መንግስት የሰብዓዊ እርዳታ ላይ ጥቃት ስነዘረ ብሎ ያለቅሳል። ኧረ ለመሆኑ እነዚህ ሰዎች ምን ይሻላቸዋል? pic.twitter.com/DsmSmkGZLE
— Journalist Dereje Haile- ደረጀ ኃይሌ (@DerejeHaileArts) September 26, 2022
Hadalsame Media