Warbixin ku saabsan muranka ka aloosan doorashada Somaliland oo sii murugtey (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2022 – Weli, waxaa sii xoogaysanaya muranka ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Guddiga doorashooyinka, shir jaraa’id oo ay qabteen sabtidii waxa ay ku sheegeen in aysan jadwalkii hore ku qaban karin doorashada ee ku ekaa 13-ka Nofeembar.

Hase ahaatee, waxa ay muddeeyeen in muddo 9 bilood ah oo ka bilaabata Oktoobaarta soo socota ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada, taas oo ah, midda qura ee ay sharciyga u haystaan.

Warka kasoo baxay Guddiga doorashada waxa uu ku soo aday xilli ay CIRKA isku sii shareereyso khilaafka u dhexeeya xukuumadda waqtigu ka sii dhacayo ee Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ah.

19-kii bishan, Golaha Wakiillada ayaa meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerarka lambar 14 iyo 91, oo ahaa UBUCDA khilaafka u dhexeeya labada daraf.

Waxaa warbixin ka diyaariyey Maxamed Kaafi.

Hadalsame Media