Miro Somalia aad looga jecel yahay balse aan horay uga bixi jirin oo lagu beeray (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2022 – Somalia waa dal ay cimiladiisu diirran tahay, taasoo saamaxaysa inay ka baxdo dhammaanba khudaarta dunida ugu macaan ee loo yaqaan ”Khudradda Kulaalaha.”

Yeelkeede, maadaama aan dhul-beereedka dalka aan laga faa’iidaysan bed ahaan iyo farsamo ahaanba waxaa sanadihii dambe soo kordhayey miro hor leh oo dalka laga hirgelinayo, waloow uu gaabis jiro ammaanka oo aan fiicnayn iyo dalka oo aan lahayn nidaam hufan oo isku xiran.

Waxaa haatan dalka laga hirgeliyey beer wayn oo ay ka baxaan miraha Baashinka Passion Fruit), mirahan ayaa awal dibedda laga soo waaridi jirey, waana fursad cusub oo dalka iyo dadkaba anfacaysa dhaqan-dhaqaale ahaan.

Maxamed Weli Maxamuud Siyaad oo jooga beer lagu beero Baashinka oo xilligaa la goynayey ayaa ka sheekeeynaya sida looga faa’iidaysan karo mirahan oo ah kuwo ay si wayn Somalia ugu baahan tahay, maadaama cabitaanka laga sameeyo islamarkaana ay ka buuxaan Vitamin C oo ah maaddo wax ka tarta caabuqyada, sida antibiotic-ga.

”Maalintii ay ugu yar tahay waxaan ka guraa 100-200 KG oo mirahan ah oo ay xabaddii joogto 2 Doollar.” ayuu yiri.

Hadalsame Media