Degaannada 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga qabsaday Shabaabka & Maamullo weli aamusan

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2022 – Waxaa inta badan gobollada koonfurta ka bilowday howgallo dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaabka kaasoo ay iska kaashanayaan DF Somalia iyo dadka degaanka gaar ahaan ciidanka madaniga ah ee loo yaqaan ”Macawisleey”, iyadoo ay dagaalladu inta badan ka socdaan gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa degaannada Shabaabka laga saaray 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey, waxaana ka mid ah:

Hiiraan: Waxaa dhulalka Al-Shabaab lagala wareegey kamid ah; Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo wada hoos taga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Galguduud: Waxaa kooxda laga qabsaday degaanno ay ka mid yihiin; Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, Sina-dhoqo, Aboorrey Cali-wayd, Ceel la Helay, Labi-dulle iyo Dacawa-xun.

Bay: Waxaa saacadihii u dambeeyey Al-Shabaab laga xoreeyey degaannada ay ka mid yihiin; Baayale, Caliyow-dooyow, Xaawa-Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow, Say-dheerow, Labaatan-jirow iwm.

Gobollo aan dhaqdhaqaaq laga haynin: Waxaa howlgalladan weli ka aamusan madaxda sare ee maamullada Puntland iyo Jubaland oo isagu ah midka ay dhulka ugu badan ka haystaan kooxda Shabaab islamarkaana ay xarumaha ugu waawayn ku leeyihiin.

Hadalsame Media