Dowladda Ciraaq oo baaris ku bilowday arrin uu ku kacay diblomaasi ay u dirtay Kalfadhiga QM (Muxuu sameeyey?)

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday furitaanka baaritaanka sawir wareegaya baraha bulshad oo muujinaya diblamaasi Ciraaqi ah oo daawanaya ciyaar kubbadda cagta ah, isagoo ka qaybgaleyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku tiri:

“Wasaaraddu waxay daba socotaa arrinta sawirka la faafiyey ee shaqaale diblamaasiyadeed oo ay howshiisii ka jeestey intii lagu jirey shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey Kalfadhiga hadda socda.”

And she stressed that “it will take appropriate measures to ensure the presence of Iraqi diplomacy.”.

Waxayna ku nuuxnuuxsatay in “ay qaadi doonto tillaabooyin ku habboon si loo xaqiijiyo joogitaanka diblomaasiyadda Ciraaq ee goobta.”

Hadalsame Media