Koox Norwegian ah oo tartan caan ah uga qaybgashay hees Soomaali ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Sebt 2022 – Koox ka dhisan dalka Norway oo u badan arkay muddo 10-12 sanno ah iskuul wada dhiganaysey ayaa kasoo muuqday barnaamij lagu tartamo oo lagu qabto dalkaasi.

Kooxda ayaa habeen dhowayd waxa ay ka qaybgaleen Barnaamijka loo yaqaan Beat for Beat, kaasoo ka baxa TV-ga Qaranka Norway, gaar ahaan qaybta madadaalada ee NRK Underholdning, kaasoo ay ka qaybgalaan fannaaniin caan ah.

Kooxdan oo la yiraahdo De Små Grå, ayaa waxa ay barnaamijka ku galeen heesta wadaniga ah ee ”Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo”, waxaana ka mid ah;Benedikte Kruse, Nina Mortvedt & Mai Elise Solberg oo uu hoggaamiyo Lars Andreas.

Waxaa kooxda Små Grå la tartamayey rag caan ka ah Norway, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Hasse Hope & Sebastian Brynestad. Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media