Ukraine oo markale sheegtay inay gargaar usoo dirayso Somalia (2 dal oo Yurub ah oo gacan ku leh)

0

(Kyiv) 23 Sebt 2022 – Ukraine ayaa Khamiistii shalay ahayd mar kale ku dhawaaqday inay 50,000 oo tan oo sarreen ah ku biirin doonto gargaarka bani’aadminnimo ee ay siinayso Itoobiya iyo Soomaaliya hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Haqab-beelka cuntada ee labadan waddan ee Geeska Afrika ayaa waxa si wayn u wiiqay abaaro iyo colaado ba’an oo halkaa ka taagan oo ay u wehliyaan nidaamyo ma naxayaal ah oo misna musuq ah.

“Doorka Ukraine oo ah mid ka mid ah dammaanad qaadayaasha haqab-beelka cuntada adduunka iyo dhoofiye la isku hallayn karo waa mid aan la dafiri karin, ficilladeeduna waxay muujinayaan sida ay Ukraine uga go’an tahay waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay.

Faransiiska iyo Jarmanka ayaa waxay iyana ku biiri doonaan hindisaha Ukraine oo “waxay dabooli doonaan kharashaadka ku baxaya gaarsiinta shixnadahan bini’aadminnimada ah ee dalalkan Afrikaanka ah.” ayay raacisay Wasaaraddu.

Ukraine ayaa beri dhowayd sidan oo kale u sheegatay inay gargaar raashin ah gaarsiinayso Somalia, balse waxaa markabkaasi sheegatay shirkad ka dhisan Hargaysa oo burka farsamaysa.

Dhoofinta sarreenta iyo xabuubka kale ee muhiimka ah ee Ukraine, oo la joojiyey tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay 24-kii Febraayo, ayaa dib u bilowday kaddib markii Turkiga, QM, Ruushka iyo Ukraine ay heshiis ku saxiixdeen Istanbul 22-kii Luulyo.

Tan iyo markii markabkii ugu horreeyey uu ku dhoofay heshiiskaasi Agoosto 1, in ka badan 160 markab ayaa qaaday in ka badan 3 milyan oo tan oo badeecooyin beereed ah iyada oo la marayo wax loo bixiyey ”marinka badarka.”

Hadalsame Media