”Waxaan Nairobi kusoo arkay arrin isoo jiidatey oo aan jeclaan lahaa inay Soomaalidu ku dadaalaan” + Sawirro

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2022 – Weriye Nasra Cabdirisaaq ayaa dhowaanahan booqatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka deriska ah ee Kenya, waxayna ka hadlaysaa arrin ay sheegtay inay soo jiidatey.

Waxay qoraalkeeda ku bilowday: Kabahaan sandalka ah ee ka samaysan maqaarka waxaan ka iibsadey suuq ay leeyihiin qowmiyadda MASAAYDA ee dalka Kenya oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Suuqaas oo aad u camiran waxaa lagu iibiyaa keliya waxyaabaha kaa duwan ee dhaqanka u ah dadkaas ee gacanta lagu sameeyo. Waxaa ka mid ah kabaha rag iyo dumar, boorsooyinka alaabaha is qurxinta haweenku u xirtaa oo dhamaantood laga sameeyey dhirta maqaarka xoolaha.

Adduunka waa qaali alaabaha gacanta lagu sameeyo waayo waa ka tayo badanyihiin kuwa warshaduhu sameeyeen, waxaanse is waydiiyey, maxaa dadkeenna ka hor taagan inay sidaas yeelaan.

Waxaynnu haysannaa waxyaabo badan oo alaabo qaalli ah laga samayn karo oo saanta xoolahu ka mid tahay, waxaanse dib ka xasuustay inaynuna takoorno kuweenna isku daya magacyo lagu fogeynayana u bixinno.

Waxaan u baahanahay dhiirrigelin la xiriirta inaynu wax soo saar yeelanno, dadkeenna iyo dhallinyaradeennana lagu jiheeyo wax qabsiga iyo wax soo saarka si looga maarmo dawarsiga shisheeye ee aan xarraga moodney.

W; Q: Nasro Cabdirisaaq

Hadalsame Media