Ruushka oo muddo dheer kaddib ka hadlay khasaaraha ka gaarey dagaalka Ukraine (Imisa ayaa ka dhimatay?)

0

(Moscow)  Sebt 2022 – Millateriga Ruushka ayaa qirtay inuu dagaalka Ukraine ku waayey ku dhowaad 6,000 oo askari intii uu socday dagaalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka Ddifaaca, Sergey Shoigu, oo hadlayey goor dhow.

Dhimashada dhanka Ukraine ayaa toban jeer ka badan, iyadoo ay 61,207 ka tirsan ciidamada Kiev lagu diley dagaalka, sida uu sheegtay isla Wasiirku.

Waa markii ugu horreeysey ee Ruushku uu ku dhawaaqo khasaarihiisa intii uu socdey wax uu ku sheegay howlgalka millateri tan iyo dabayaaqadii bishii Maarso markaasoo tirada askarta la diley ay gaaraysey 1,351 oo askari, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiggu.

“Khasaaraheennu ilaa maanta waa 5,937 dhimasho ah.” ayuu Shoigu shaaca ka qaaday.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyey shaqada dhaqaatiirta ciidamada Ruushka, isagoo sheegay in 90% ciidamadii Ruushka ee ku dhaawacmay dagaalladu ay awoodeen inay dib ugu soo laabtaan furunta kaddib markii la daaweeyey.

Hadalsame Media

Facebook Comments