Maraykanka iyo NATO oo deg deg uga soo jawaabey goodinta nukliyeerka ee MW Putin

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa sheegay inuu dumayo ciidan cusub dhanka dagaalka Ukraine isagoo sidoo kale ku gooddiyey inaysan falax-gooddin ka ahayn “adeegsiga nukliyeerka”, islamarkaana NATO  ku tilmaamay “qar iska tuur”.

Washington oo hadalkiisa ka jawaabaysa ayaa ku tilmaantay “mas’uuliyad darro” digniinta uu soo saaray Madaxwayne Vladimir Putin ee ahaa in Ruushku uu diyaar u yahay inuu adeegsado wax kasta oo lagama maarmaan u ah ilaalinta madax-bannaanida dhulkiisa.

Isagoo la hadlayey ABC News in yar kahor, Afhayeenka Aqalka Cad ee John Kirby ayaa yiri “Mar walba waa inaan dhab ah u qaadannaa hadallada noocan oo kale ah,” laakiin wuxuu cambaareeyey tixraaca Putin ee adeegsiga hubka nukliyeerka, isagoo raaciyey inuu yahay “hadal qayrul-masuulnimo ah in awood nukliyeer ay sidaa u hadasho.”

Kirby wuxuu sheegay in Washington ay ula socoto xaaladda “sida ugu wanaagsan ee ay awooddo” laakiin wuxuu xusay inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Ruushku uu bedelayo mowqifkiisa istiraatijiyadeed iyo inaan loo baaahnayn in Maraykankuna uu is waafajiyo tillaabada Ruushka.

Dhinaca kale, NATO ayaa Moscow si cad ugu sheegtay in Ruushku aanu ku guulaysan karin dagaal Nukliyeer ah, islamarkaana ay NATO ciidamo ugu ururinayeen xudduuddeeda bari si ay meesha “uga saaraan shaki kasta oo isfaham la’aan ah,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka uu Maraykanku hoggaamiyo ee Jens Stoltenberg, oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Kani waa hadal khatar oo nukliyeer ku saabsa,” ayuu u sheegay tifaftiraha guud ee Reuters Alessandra Galloni isagoo jooga shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee New York.

“Si fiican ayuu u og yahay in dagaal nukliyeer ah aan weligiis lagu guulaysan karin, waxayna Ruushka ku yeelan doontaa cawaaqib aan horay.” ayuu raaciyey, isaga oo tixraacaya Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.

Hadalsame Media