DF Somalia oo dumaysa ciidamo si gaar ah u tababaran + Sawirro

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2022Wasiirka Gaashaandhigga DF Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada cirka ee Balidoogle ee ku taalla Gobolka Shabeelkaha Hoose.

Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka ayaa booqday xeryaha ay ku jiraan Ururrada 4-aad iyo 64-aad ee Ciidamada sida Gaarka ah u tababaran ee Komaandooska Danab.

Waxay sidoo kale la kulmeen Guutada 7-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo iyaduna fariisin ku leh Saldhigga Ciidamada Cirka ee Ballidoogle.

Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah Wasiirka Gaashaandhigga DF Soomaaliya ayaa ciidamada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo durba ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka ayaa intaa raacshey in Ciidanka Xoogga Dalka looga fadhiyo fulinta howlgallo iyo dagaallo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab, oo uu tilmaamay inay dhibaatooyin ba’an ku hayaan dadka Soomaaliyeed taasoo loo baahan yahay in la iska dulqaado.

Ciidamada Komaandooska Danab ee ku sugan Saldhigga ciidamada Cirka ee Ballidoogle ayaa ah ciidamada ugu macquulsan Ciidamada Qalabka Sida ee haatan dalka ka jira, waxayna leeyihiin silsilad kala sarraysa iyo dishibiliin ciidan.

Hadalsame Media

Facebook Comments