Dal gaas leh oo misna gaas fara badan ka iibsanaya Ruushka (Xeeladda uu ciyaarayo?)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2022 – Wasaaradda Batroolka ee dalka Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in Tehraan ay dhowaan soo dhoofsan doonto 9 milyan oo mitir kiyuub oo ah gaaska Ruushka ah maalin kasta, iyada oo la soo marinayo dalka Azerbaijan.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Faaris, qorshahan ayaa lagu soo bandhigay warbixin bixinaysa tafaasiil ku saabsan heshiis $40-bilyan oo Doollar ah oo dhexmaray shirkadda qaranka ee Iranian Oil Company (NIOC) iyo shirkadda gaaska ee Dowladda Ruushka ee Gazprom, kaasoo la gaarey bishii  Luulyo balse haatan la shaaciyey.

Wasaaradda Saliidda ee dalka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay heshiiskan wax isdhaafsiga ah ay ku heli doonto lix milyan oo mitir kiyuub oo gaas ah maalintiiba. Gaaska ayaa markaas loosii dhoofin doonaa wadamada kale ee dhaca koonfurta Iran isagoo loo rigey gaaska dabiiciga ah (LNG).

Heshiiska waxa kale oo ka mid ah dhamaystirka dhuumaha gaaska ee Iran ilaa Pakistan iyo Cumaan, iyo tiro mashaariic wax soo saarka iyo sifaynta gaaska LNG ah oo dalka laga fulinayo.

Iran ayaan ahayn dal u baahan gaaska Ruushka maadaam ay leedahay kayd hubban oo dhan 29.6 tarilyan mitir kiyuub, iyadoo 16% ka ah guud ahaan kaydka gaaska la ogyahay ee dunida, balse sida muuqata waxay ka faashlaynaysaa sii iibinta gaaska Ruushka oo Galbeedka xannibaado kala kulmaya.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments