XIISAD HOR LEH? Golaha Wakiillada Somaliland oo meel mariyey wax ka bedelka labo XEER oo uu muran ka taagnaa (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Somaliland, weli, hubanti la’aantii ku geednayd dimoqradiyaddii ay sanadaha badan calan-sidaha ugu ahayd Gees Africa ayaa halkeedii ka sii socota.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, xiisadaha ka dhashay muranka ku saabsan labada xeer ee kala ah, xeer-ka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee XL 91, iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda ee XL 14 waxa ay abuureen khal-khal siyaasadeed iyo mid amni.

Doodda xoogeedu waxa ay salka ku haysa tan soo hormareysa doorashada madaxtooyada iyo furidda ururada siyaasadda.

Madaxweynaha Somaliland oo uu waqtiga uu sharciyadda haysto uga egtahay 13-ka diseembar waxa uu doonayaa in furidda ururada siyaasadda lagu horreeyo, kadibna la qabto tan madaxtootada, hase yeeshee, xisbiyada mucaaradka ah oo ay  iyagana mudada ay sharciga haystaan uga egtahay 26-ka Diseembar waxa ay rabaan in laba midkood ay dhacdo, kow, in dib loo dhigo furidda ururuada oo la qabto doorashada madaxtooyada, laba, sida ku cad wax-ka is bedelkii iyo kabistii ay maanta Golaha Wakiiladu ku sameeyeen labada xeer ee XL 91 iyo XL 14, la isa saaro labada doorasho.

Warbixintan, waxaan ku gorfeyn doonaa biyaha-dhaca wax ka bedelkii  iyo kaabistii lagu sameeyey labada xeer iyo sida uu dhaqan-gal ku noqon karo. Halkan hoose ka daawo warbixin uu ka diyaariyey Maxamed Kaafi oo ka tirsan qorayaasha Hadalsame.

Hadalsame Media