MW Xasan Sh oo mid uga ekaaday madaxdii ka horreeysey (Mid lagu saluugey oo ay muhim tahay inuu dib u eego)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Somalia waa dal haysta wax kasta oo uu ku noqon karo dal horumarsan oo ay dadkiisu ku nool yihiin ammaan iyo istiqraar, waayo wuxuu haystaa qaran isku nooc ah iyo khayraad fara badan.

Yeelkeede, taasi ma dhicine wuxuu inta badan waayihiisa xornimada ku qaatay qaxar, khilaaf iyo qarax, siyaasad qaybsan, qolooyin isku dheggan iyo siyaasi kharash raadis ah, waxayna hoggaanka siyaasadda Somalia muujiyeen oo isku raaceen hal arrin waana inaysan runtii qaayada iyo culayska mas’uuliyadda miiska u saaran.

Taa biddaalkee, waxay ku mashquulaan safarro bilaa micne ah, hab-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku dhisan maxaa aniga ii dan ah, balse ay ka dhashaan khilaafyo waawayn oo uga imanaya kuwa kale oo iyaguna isla aragtidaa ku shaqaynaya iyo qaadashada ama boobka hanti inteeda badan ay ku deeqaan dalal iyagu is nidaamiyey balse aan dabiiciyan naga xoolo badnayn, mararka qaarna bililiqaysta middeena iska dayacan.

MW Xasan Sheekh oo dib loo xulay 5-kii Maajo doorasho dhacday kaddib muran badan iyo dagaal qarka loo fuulay oo u dhexeeya mid xil-daynta diiddan iyo mid xil-doon ah. Waqtigaas haatan waxaa laga joogaa wax ku dhow 4 bilood.

Ha yeeshee, Xasan Sheekh oo la fili karo inuu dersin hore bartay oo uu doonayo inuu dhaxal iyo magac reebo dhibkan uu qof kasta ku fashilmayna taariikhda ku galo inuu noqday ninkii turxaan bixiyey weli talo uma toosna.

Maadaama, ay weli inta badan harsan yihiin waayihiisa muddo-xileedkan waa lagu yara doodayaa inaan weli la gaarin xilli la go’aamiyo halka geeddiga loo rarayo, balse nin baa laga qoray ‘sabta aan ka dhergi doono beerkeeda ayaan ka qaannaa”, marka sida ay ilaa haatan wax u socdaan dadka rajo badan gelin mayso.

Min wasiirrada tirada badan ee bilaa tayada ah ee aanay ilaa haatan jirin mid hal qorshe la timid ilaa safarrada niicda ah ee la iskugu shidayo sidii oday sigaaryo-cabista ku falan, waxaa loo baahan yahay in koorsada la bedelo.

Somalia waxaa maanta horyaalla dano iyo howlo ka mudan in kumannaan mayl loo safro tacsida dal aan isaguba tacsi kuugu imaadeen, shir QM oo qadada lagu sugo madaxda Afrikana ay dukaamaysi uga faa’iidaystaan maadaama aysan ku dhex wareegi karin dalalkii ay xukumayeen ee ay wada xuubsadeen ma aha in dalka waqti looga lumiyo.

Xasanow haddii aad xal doon tahay bal dib isu xisaabi kana fikir waxa ay kugu biirin karaan baandada kugu xayndaaban ee daad-xoorta ah ee aan ummadda il buuxinaynin, qofkii qorshe ballaaran lihi wuxuu la yimaadaa dadkii fulin lahaa, haddii ay inaad sidan wax ku waddo kaaga raalli noqdaanna saaxiibbo wanaag kula doonaya ma aha, haddii ay yihiin kuwa kugula taliyaya kaba daran.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media