MW Erdogan oo runta u sheegay “saaxiibkiis” Vladimir Putin (Baaq uusan jeclayn oo ku wajahan)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Arrinta xallinta khilaafka Ukraine waxay u baahan doontaa in Ruushka uu celiyo dhammaan dhulalka “lagu soo duuley” ee Ukraine, ayuu Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta PBS.

Mar la waydiiyey in Moscow loo ogolaan karo inay sii haysato dhulka la qabsaday tan iyo markii uu iskahorimaadku bilowday bishii Febraayo, Erdogan wuxuu yiri: “Maya, shaki la’aanna maya.”

“Haddii nabad laga rabo in laga hirgeliyo Ukraine, dabcan, soo celinta dhulkii lagu soo duuley waxay noqon doontaa mid muhim ah. Tani waa waxa la filayo. Tani waa waxa la doonayo,” ayuu yiri.

“Dhulkii lagu soo duuley waxaa loo celin doonaa Ukraine,” ayuu ku daray hoggaamiyaha Turkiga.

Erdogan waxa uu kaloo sheegay in “duullaan aan loo qiil samayn karin” balse waxa uu qiray in isla waqtigaas, in “kahor inta aan dagaalkani bilaabmin ay waxyaabo badani dhaceen” Sidaa darteed xal laguma heli doono “in hal dhinac uun la difaaco,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey jasiirad u ekaha Crimea, oo uu Ruushku xaf-goostay kaddib wax uu afti ku sheegay 2014-kii, Erdogan wuxuu ku nuuxnuuxsaday inuu waydiisanayey “saaxiibkiisa qaaliga ah er [Vladimir] Putin” inuu dib ugu celiyo Crimea “milkiilayaasheeda xaqa ah” laakiin wuxuu qiray in taasi “nasiib darro” aysan dhicin.

Hadalsame Media