
(Hadalsame) 09 Sebt 2022 – Khvicha Kvaratskhelia oo sanadkan uun kusoo biiray kooxda SSC Napoli ee Talyaaniga ayaa sii wada qaab ciyaareed heer sare ah isagoo ka caawiyey kooxdiisa Napoli inay burburiso kooxdii xilli-ciyaareedkii hore final-ka Champions League gaartey ee Liverpool.
Xiddig-yarahan oo wacdaro ka dhigay kooxda reer Talyaani gaar ahaan garab-weerarka iyo khadka dhexe, una dhashay Georgia ayaa sameeyey eddex baas oo muhiim ah iyo caawin xilli ay Napoli 3-0 kaambiyadii ku hoggaamineysey ciyaarta oo ay 4-1 dirtay Liverpool.
Napoli’s Khvicha Kvaratskhelia is an exciting young player. Saw him against Lazio at the weekend and he was superb. He’s as difficult to play against as it is to spell his name correctly.
— Gary Lineker 💙💛 (@GaryLineker) September 7, 2022
Yeelkeede, warbaahinta Ruushka ayaa ku faantay laacibka oo mar horyaalkooda ka dheeli jirey.
“Xidiggii hore ee Premier League-ga Ruushka ayaa kala dhantaalay Liverpool.” ayaa lagu qoray warqaadka ay leedahay Dowladda Ruushka ee RT.
Interesting to mention that Napoli only paid €10m fee to sign Khvicha Kvaratskhelia from Dinamo Batuni this summer. ⭐️🇬🇪 #UCL
Smart scouting, smart signing. pic.twitter.com/St3cpqvYw8
— Fabrizio Romano (@FabrizioRomano) September 7, 2022
Hadalsame Media