DEG DEG: DF Itoobiya oo war rasmi ah kasoo saartay war uu TV-geedu ka sheegay MW Somalia

0

(Addis Ababa) 07 Sebt 2022 – DF Itoobiya ayaa ka hadashay war lagu faafiyey hilinka ay maamusho ee ETV.

Warkaas ayaa lagu sheegay in rag ka tirsan xayndaabka hoose ee MW Somalia ee Xasan Sheekh ay ma shaqaynayaan tillaabo ka dhan ah Itoobiya.

Barnaamijka ayaa qaab ay xirfaddu ku yar tahay MW Somalia uga digayey inuu sii wado xiriir uu la leeyahay kooxaha TPLF iwm, sida ay u dhigeen, iyagoo ugu baaqay inuu hagaajiyo xiriirka Itoobiya.

Wasaarad Dibadeedka Itoobiya ayaa haatan bayaan ay soo saartay ku sheegtay in warkaasi aanu “sax ahayn”, islamarkaana aanu ka tarjumaynin siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Somalia.

Waxay Itoobiya sheegtay in warkaasi uu khalad ku baxay oo uusan metelin ama waafaqsanayn xiriirka labada dal ee Somalia-Itoobiya.

Hadalsame Media