Moowduuc muhim ah oo ku saabsan meel ay Soomaalida mushkilad wayni ka haysato

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2022 – XASUUSIN – Qaabka loola macaamilo qofka murugaysan:

‎اللـهـم اجـعـلنـا رحمـاء بخـلقـك ناصحين لعبادك

1 – Haddii uu qofku kula wadaago sababta murugadiisa, uga dhagayso si naxariis leh, ixtiraam nooc kasta oo ay tahay.

2 – U oggolow in uu cabiro murugadiisa, sii waqtigiisa. U fiirso adiga oo is leh wax caadi ah uga dhig ha oran waa igu dhacday aniga xataa …, iyo waa dhacdaa ee adiga uguma horeesid.

3 – U ducee, maqashii sifooyinkiisa wanaagsan ee gaarka u ah, waa xasuusin si uusan isku dhiibin, waxa ay ka caawinaysaa in uu kordhiyo kalsoonida naftiisa iyo kartidiisa, isaga oo xoogga saaraya kartidiisa uu kaga gudbi karo dhibaatooyinka, arrintani waxa ay keenaysaa in uu nolosha sii jeclaado oo uu dib u eego. Waa haddii uu la kulmay naxdin isaga ka dhigtay inuu si weyn u lumiyo kalsoonida naftiisa, haddii uu waayay qof uu islahaa nolashaada ku tiirsan ama hanti …iwm.

4 – La joog una qabo hawlaha ku xariiray, waa in qofka murugaysan laga caawiyo in uu murugadiisa ka baxo, qofka oo laga warqabo oo talloooyinkaa aan kor ku soo xusay la fuliyo waxa ay soo koobaysaa muddada. Waxa ka fogaynaysaa in uu cidlo ahaado, si aanay murugadiisa u noqon mid dhalisa murugo daran iyo niyad jab (Depression).

FG: Murugadu waxay isu beddeshaa jirro jireed, waxa noqtaa nabar, buro, ka dibna waxay isu beddeli kartaa kansar, mararka qaarkood waxay isu beddeshaa dhimasho oo heerka ugu dambeeya ee niyad-jabku (Depression) waa is-dilid (Qofku uusan wacyi buuxa u lahayn).

Waa in dhammaanteen aan wacyi u lahaanaa in ay muhiim tahay:

– In Alle la baryo, قال تعالى: (…الا بذكر الله تطمئن القلوب )

– In loo tago daaweeyaha, waxuu noqon karaa hanuuniye, jiheeye, la-taliye, dhakhtar, dhammaantoodna waxa ay takhasusus u leeyihiin cilmi nafsiga, waliba si gaar ah marka ay xaalad adag kula soo gudboonaato.

– In xisaabta lagu darsado in markasta aan lagu sugnaanayn hal dareen, oo waxaa nasoo mara murugo, farxad…iwm.

‎قال تعالى: {كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ} {الرحمن:29}

W; D: Nasteexa Axmed

Hadalsame Media

Facebook Comments