DIIWAAN DAHSOON: Imisa qof ayaa isla gaartey go’aankii lagu eryey Farmaajo?! (Maxaase dhexmaray Cabdiweli Gaas & Faroole?)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2022 – Qaybtan oo ah inta ugu badan buugga (cutub 3aad ilaa cutub 10aad) waxyaabo badan buu Cabdiweli uga hadlay waxaan se ka soo qaadanaynaa dhawr qodob oo muhiim ah sida: xiriirkii Cabdiweli iyo madaxweyne Shariif Shiikh Axmed; xiriirkii madaxweyne Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole iyo Caalin, madaxweynayaashii Puntland iyo Galmudug iyo qodobbo kale.

Shiikh Shariif iyo Gaas

Cabdiweli waxa uu buugga ku qoray in markii uu Muqdisho tagay uu ra’isul wasaare Farmaajo u geeyay madaxweyne Shariif oo Villa Somalia fadhiya, markii uu indhaha ka qaaday Shariif na uu u arkay nin da’ yar oo aan lahayn khibrad uu dal Soomaaliya oo kale ah ku hoggaamin karo, Yeelkeede, markii uu madaxweyne la fadhiistay oo la sheekaystay uu u arkay nin caqli badan oo hadal yaqaan ah. Waxa uu sheegay in ayaamahaas Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan (guddoomiyihii Baarlamaanka) uu labada nin xiriirkooda aad u wanaagsan.

Balse, sabab aad qofna ogayn labada nin xiriirkoodi hal mar u xumaaday. Ayada oo labada nin xiriirkooda sidaas u xun yahay ayaa April 13, 2011 waxaa Nairobi shir ay UNPOS garwadeen ka tahay ku yeeshay Shariif Xasan, Faroole iyo Caalin, kaas oo ay ka soo saareen go’aan ay Baarlamaanka oo muddo-xileedkiisi dhammaanayay August 20, 2011 ugu kordhiyeen 2 sannadood. Madaxweyne Shariif waa diiday in uu shirkaas tago. Dabadeed Baarlamaankii ayaa inta fadhiistay muddo kororsigii ka dhigay 3 sannadood.

Halkaas marka ay marayso oo xaaladdu qir iyo qir taagan tahay baa kooxdii International Contact Group (ICG) Kampala shir ku qabteen kaas oo ay hay’adaha dawladda Soomaaliya ugu kordhiyeen muddo hal sano oo keliya. Taas oo meesha ka saartay qorshihii UNPOS iyo Shariif Xasan iyo kooxdiisi.

Dabadeed Ergaygii Xoghayaha-Guud, Ambassador Mahiga oo gacan ka helaya madaxweyne Museveni ayaa shir ku qabtay Uganda uu isugu soo dhawaynayo Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan. Cabdiweli waxa uu sheegay in ra’isul wasaare Farmaajo asaga ka codsaday in uu shirkaas tago maadaama ay muhiim ahayd in xukuumaddu goobjoog ahaato, dabadeedna uu sidaas Kampala ku tagay Cabdiweli oo ay la socdaan wasiirkii waxbarashada Cabdinuur Shiikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xasan Jaamac oo ahaa wasiirka warfaafinta. Laakiin, buu yiri Cabdiweli waxaa dhacay wax lama filaan nagu noqday.

Waxa uu yiri waxaa qol hoosta ka soo xirtay madaxweyne Shariif, Shariif Xasan, Museveni, iyo Mahiga dabadeedna waxa ay go’aansadeen in Farmaajo meesha laga saaro.
Waxa uu yiri “waxaa la yaab noqotay sida afarta nin isku fahmeen oo go’aan sidaas u culus u qaateen, waayo Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan Ingiriis kuma hadli karin, Mahiga iyo Museveni na Carabi ku ma hadli karin.”

Markii aan warkaas maqalnay Farmaajo ayaan la xiriirnay oo arrintii u sheegnay ayuu yiri. Ka dib na Farmaajo waxa uu noo sheegay in uu Kampala imaanayo. Habeenkii saqdhexe ayuu Farmaajo yimid isla habeenkiina madaxweyne Shariif bay is arkeen. Aroortii markaan hurdada ka soo kacay baa la ii keenay farriin ah: madaxweyne Shariif baa ku raba ee deg deg ugu tag. Markii aan u tagay waxaa la fadhiyay Farmaajo iyo Cabdikariin waxa ayna igu wargeliyeen in Farmaajo iscasilayo laakiin hal shuruud ay ku xiran tahay, taas oo ah in aan anigu beddalo.

Waxa uu yiri Farmaajo ayaan waydiiyay in uu go’aankaas ka fiirsaday waana uu ku adkaystay in go’aakaasi yahay mid uu ka fiirsaday. Dabadeed waxa aan ka codsaday in arrinta loo sheego Farmaajo walaalkiis, Saalax oo bannaanka nagu sugayay shaki badanna qabay laakiin Farmaajo ayaa diiday oo yiri “walaalkay ma oggolaanayo laakiin dhib ma leh aniga ayaa ka dhaadhicinaya.” Cabdiweli ma sheegin doorka Farmaajo walaalkiis ku yeelan karay xulashada ra’isul wasaaraha Soomaaliya maadaama uusan huwanayn xil iyo xeer arrintaas door ka siinaya. Cabdiweli sidaas buu ra’isul wasaare ku noqday.

Cabdiweli waxa uu buugga ku sheegay in xiriirka asaga iyo madaxweyne Shariif uusan marnaba wanaagsanayn asaga oo mar walba eedda u leexinaya dhanka Shariif. Arrinta ugu daran waa in Cabdiweli uu Shiikh Shariif uga shakiyay, inkasta oo uusan si toos ah ugu eedayn, qarixii Tiyaartarka Qaran ee April 2012 kaas oo Cabdiweli joogay. Waxyaabaha shakiga geliyay ayaa ah in Shariif Shiikh Axmed diiday imaanshaha munaasabadda Tiyaayaatarka oo lagu xusayay furinta TV-ga Qaranka.

Shiikh Shariif vs Faroole iyo Caalin

Cabdiweli waxa uu sheegay in xiriirka madaxweyne Shariif iyo labada nin uu ahaa mid aad u liita, gaar ahaan kan Faroole sababtuna ay ahayd ayada oo Faroole u arkayay Shiikh Shariif nin dhawr kiilo mitir xukuma, halka Shiikh Shariif uu Faroole ka tirsanayay xushmaddarro. Dhanka kale Maxamed Axmed Caalin waxa uu Shiikh Shariif ka tirsanayay ixtiraam la’aan iyo qiimayn la’aan. Cabdiweli waxa uu ku faanay in uu asagu ahaa ninkii ka odayeeyay oo geedfadhiga u ahaa wadashaqaynta madaxweyne Shariif iyo Faroole iyo Caalin.

Cabdiweli Gaas waxa uu si wayn ugu faanay libta in Soomaaliya ka baxdo kumeelgaarnimadii ay muddada dheer ku jirtay, asaga oo aan madaxdii kale sida Shiikh Shariif in yar na u hambayn. Waxa uu dusha saartay libta hannaankii loo yaqaannay Road Map ee kumeelgaarnimada lagu soo afjaray. Haddana sidaas oo ay tahay, inta badan waxaa la oran karaa Cabdiweli si “objective” ah ayuu isku dayay in uu hadlo, inkasta oo Cabdiweli eedo iyo gefaf uu galay uusan buugga ku xusin, sida arrintii Jubbaland iyo sidii Cabdiweli uga dabahadlay markii Shiikh Shariif ka horyimid duullaankii Kenya ku qabsatay Kismaayo sannadkii 2011.

Waxyaabaha kale ee Cabdiweli buugga ku xusay waxaa ka mid ah xiriirkii asaga iyo Faroole. Cabdiweli waxa uu sheegay in asaga iyo Faroole isku qabteen soo xulista xildhibaannadii Federaalka ee Puntland ee iyo Sool iyo Sanaag. Waxa uu intaas ku daray in markii muddo-xileedkiii Ra’isul Wasaare ee Cabdiweli dhammaaday uu Cabdiweli Puntland tagay balse Faroole si foolxun u la dhaqmay ilaa uu Faroole ciidan ku hareereeyay gurigii Cabdiweli ka degganaa magaalada Boosaaso.

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media