Gabar soo hooysey guul caalami ah oo aysan Somali abid horay u gaarin & rikoodho badan oo ay jebisey + Sawirro

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2022 – Gabadha Soomaaliyeed oo feeryahanadda ah, Ramla Cali, ayaa diiwaan gelisay guul caalami ah kaddib markii ay si naxariis darro ah uga badisay Garcia Nova ciyaartii ugu horreeysey ee feer dumar ah ee abid lagu qabto Sacuudiga.

Waxa Ramla taariikh ku dhigtay in ay noqoto feeryahankii ugu horreeyey ee dumar ah oo ka feertama gudaha dalka Sucuudiga, taasoo ah dhacdo caalami ah oo ay isugu yimaadeen xiddigo uu ka mid yahay Anthony Joshua.

Ramla Cali ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee ku guulaysta horyaalka feerka Afrika ee sidoo kale billado dahab ah oo caalami ah hanta isagoo feer ku metelaya Somalia.

Sidoo kale waxa ay 2021-kii noqotay feeryahankii ugu horreeyey ee Somalia ku matala Ciyaaraha Olombikada Caalamka.

Ramla ayaa guusha ku gaartey hal daqiiqo iyo 5 ilbiriqsi, feerka oo ka dhacay Riingaha  King Abdullah Sports City ee magaalada Jiddah, waxayna sheegtay inay feertamaysey iyadoo xanuun ka dareemaysa dhaawac hore oo ay ka qabtey cumaacunta gacanta iyo suulka.

”Waxay ahayd fursad wayn oo aanan diidi karin waloow aan xanuun badan ku dheelayey.” ayay tiri Ramla Cali.

Hadalsame Media