YAAB! Dowlad dadkeeda ku dhiirrigelinaysa inay KHAMRI badan cabaan (Sabab lama filaan ah)

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 – Hay’adda Adeegga canshuuraha Japan ayaa bilowday tartan, iyaga oo ugu baaqaya muwaadiniinta dalkaasi in ay la yimaadaan habab cusub oo lagu soo nooleeyo iibinta khamriga oo hoos u dhacday, iyaga oo rajaynaya in lagu dhiirigeliyo dhallinyarada qaangaarka ah in ay marar badan tagaan baararka si ay dowladdu arrintaa dakhli uga hesho.

Wakaaladda Canshuuraha Qaranka (NTA) ayaa ololahan cusub ugu magacdartay ‘Sake Viva!’ iyadoo ugu magac dartay khamriga bariiska laga sameeyo ee Japan, iyadoo ugu baaqday qof kasta oo ay da’diisu u dhaxayso 20 iyo 39 inuu soo gudbiyo fikradaha ganacsi ee khamriga dalkaasi lagu socodsiin karo, kaasoo uu dib u dhac ku yimid kaddib Covid- 19 iyo hoos u dhaca caadooyinka cabbista ee dalkaasi oo dhan.

Qoraal la dhigay website-ka rasmiga ah ee dowladda ayaa soo jiitay dareenka saxaafadda caalamiga ah usbuucan kaddib warbixinnada warbaahinta maxalliga ihi ay arrintan ka samaysay, tartanku wuxuu socon doonaa ilaa Sebtembar 9, wuxuuna dadka la waydiin doonaa “naqshado cusub” iyo sidoo kale siyaabo kor loogu qaado in khamriga guryaha lagu fuudo.

Ku guulaystayaasha ayaa waxaa lagu martiqaadi doonaa xaflad abaalmarin ah oo ka dhici doonta Tokyo bisha Nofeembar, iyadoo ay Waaxda Canshuuraha dalkaasi ay wacad ku martay inay dib u maalgelin doonto fikradaha guulaysta.

NTA waxay xustay in canshuurta khamrigu ay dakhliga guud ee Dowladda ka tahay 3% dhanka canshuurta 2011-kii, laakiin ay hoos ugu dhacday 2% 2020-kii, iyadoo xustay in baahi loo qabo in dib loo soo nooleeyo iibinta khamriga.

Si kastaba, aalkolada ayaa aad ugu daran caafimaadka balse sida muuqata waxay Dowladdani eeganaysaa danaheeda & dakhligeeda.

Hadalsame Media