“Nin calool wayni waajibkiisii waa gabay!” – MW Tanzania oo amar culus soo rogtey

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – MW dalka Tanzania, Saamiya Suluxu, ayaa amar culus dul dhigtay askarta caloosha wayn leh.

Saamiya oo bandhiggooda howleed saluugsan ayaa amar ku bixisay in askarta caloosha wayni ay dib ugu laabtaan tababarradii ay soo qaateen.

Taas ayay ku tilmaantay sida qura ee ay u lumin karaan miisaankooda iyada oo sheegtey in qof calool wayni uusan gudan karin waajibaadka saaran.

“Markii aan kormeerayay dhoollatuska ciidamada, waxaan ogaadey in dadka hor kacayey ay ahaayeen saraakiil rug-cadaa ah oo ay ka mid ahaayeen saraakiil culculus,” ayay tiri Saamiya.

“Waxaan arkay caloollo waawayn. Ma aha inaan yeelano saraakiil calooshoodu ay sidaa u waawayn tahay.” ayay raacisay.

Saamiya ma xusin in haweenka caloosha waynina ay tababarkan ku noqonayaan.

Hadalsame Media