Khayrre oo ay hadda soo baxday inuu ku saxnaa go’aan uu horay u qaatay + Sababta

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Deyn Cafiska (Debt Relief) u soo bandhigay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.

Khayrre ma diidin, laakiin waxa uu kula taliyey Xasan Sheekh in uu sugo Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabi doono, si loo ogaado in uu ku qanacsan yahay tallaabadaas maadaba shaqada Dayn Cafiska ay tahay hawshiisa.

Maalmo kaddib, Xasan waxa uu Ergayga Abaaraha u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo si buuxda u aqbalay.

Xasan iyo Cabdiraxmaan wax ma iska weydiiyeen Wasaaraddii Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo markaas dhisneyd?

Ma isla soo qaadeen Xukuumadda imaan doonto iyo sida uu Cabdiraxmaan ula falgeli doono?

Xasan iyo Cabdiraxmaan ma waxa ay ku heshiiyeen in Wasaaradda meesha laga saaro sida dhacay, Xukuumaddana culayska abaaraha laga dul qaado?

Waydiimahaas cid walba waa ka jawaabi kartaa!!!!

W; Q: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media