“Shaydaankii il baa laga ridey!” – Dal Muslim ah oo lagu eedeeyey weerarkii Salman Rushdie oo soo jawaabey

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2022 – Iran ayaa “qayb ahaan” u beenisey inay wax xiriir ah oo ay la leedahay weerarka lagu qaaday shaydaanka Salman Rushdie – taas beddelkeedana waxay eedayn u jeedisey qoraaga laftiisa.

Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa si xun loo dhaawacay kaddib markii lagu toorriyeeyey masraxa munaasabad ka dhacday gobolka New York. Hadda waxa uu bilaabay in uu neefsado isaga oo aan lagu caawinaynin hawo-siiye.

Waxa uu sannado badan lagu kulmayey hanjabaad dil ah kaddib buuggiisii gardarrada ahaa ee 1989-kii ee uu u bixiyey “Aayadaha Shaydaanka” oo uu ula dan leeyahay Qur’aanka Kariimka ah.

Mar sii horreeysey, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken, ayaa eedeeyay warbaahinta Dowladda Iran iyo qaabka ay kaga faalloonayeen weerarka, isagoo ku tilmaamay hab-dhaqankooda mid mudan in la quursado oo la necbaysto.

Warbaahinta Iran ayaa si wayn uga hadashay weerarkan, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa aargud Rabbaani ah.

Tusaale, Telefishinka Qaranka Iran ee Jaam-e Jam ayaa iftiimiyey warka sheegaya in Rushdie laga yaabo in uu isha ku waayi karo weerarka kaddib, isagoo leh “Shaydaankii hal il baa la tiray”.

Hadalsame Media