Shiinaha oo helay meel ay uga aarsan karaan Nancy Pelosi

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2022 – Wiilka Afhayeenka Aqalka Hoose ee Nancy Pelosi oo lagu magacaabo Paul Pelosi Jr, ayaa la sheegay inuu yahay maalgashadaha labaad ee ugu wayn shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Borqs Technologies, sida ku cad warbixin uu dhowaan kashifay Daily Mail.

Pelosi Yare si mucayin ah uma uusan shaacin saamiga uu ku leeyahay shirkaddan oo ku fadhisa $22 bilyan kahor inta uusan hooyadii u raacin safarka lagu kharash gareeyey canshuurta dadwaynaha ee uu ku tegey Taiwan.

Markii uu ogaadey in Pelosi Jr uu wehliyo wefdigii hooyadiis, siyaasiyiin badan oo Taiwanese ah, oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee Guddiga Kormeerka Maaliyadda ee jasiiradda, Tseng Ming-chung, ayaa dalbaday inay ogaadaan in xisbiga talada haya ee Democratic Progressive Party uu xiriir maaliyadeed la leeyahay qoyska Pelosi iyo in kale.

Waxaa ka daran, Pelosi Yare laguma darin xubnaha safarka ee la shaaciyey ee wefdiga mana hayo jago dawladeed ama howl kale oo la sheegay inuu ku maqnaa.

Pelosi kaliya maaha maalgashadaha wayn ee shirkadda Borqs, oo ah mid ka tirsan shirkadaha Shiinaha ee internet-ka gaar ahaan horumarinta shabakadda 5G ka shaqaysta, laakiin sidoo kale waxa uu la-taliye u ahaa shirkadda, sida laga soo xigtey Guddiga Amniga iyo Sarrifka Mareykanka oo ay xigatey Daily Mail.

Waxaa lagu abaalmariyey adeegyadiisa la talineed saami dhan 700,000 oo shirkadda ah, waxaana kaliya ka saami badan Maamulaha Guud ee Pat Sek Yuen Chan, sida ay warbixintu leedahay.

Hadalsame Media