WAR CUSUB: Ciidamada Itoobiya oo gudaha usoo galay Gobolka Gedo (Garoon muhim ah oo ay qabsadeen)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 – Kumanaan Askari oo katirsan ciidanka Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in ay galaan gudaha gobalka Gedo ee Jubbaland, kuwaas oo la wareegay sida ay ilo wareedyo xaqiijinayaan Garoonka diyaaradaha ee Doolow-Soomaaliya, kaas oo ahaa Halbowlaha ay ka dagaan duulimaadyada aada Gobalka Gedo.

Gobalkan ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya cida gacanta kuhaysa, waxaana la aaminsan yahay in uu Udub-dhexaad u ahaa khilaafyo siyaasadeed, dhawaana Agaasimaha NISA Mahad Salaad & Madaxweyne Xassan Sheekh ay ka wada hadleen sidii gacanta loogu dhigi lahaa, iyadoo loo marayo siyaasiinta kasoo jeeda Gedo ee kasoo horjeeda maamulka hadda kajira.

Sidaas oo kale ciidamada Itoobiya, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay goballada Baay, Bakool iyo Hiiraan, waxaana wararku sheegayaan in ay qaadayaan howlgal ay ku doonayaan in dhammaan degaanada Xaduudaha ay la wadaagan Soomaaliya ay kaga fogeeyaan kooxaha Argagixisada ah, sida ay sheegayaan.

Wafdi kasocda Itoobiya ayaa todobaadkii hore tagay Baladweyne, Hargeisa & Baydhabo, iyagoo kuwajahan hadda Puntland.

Lafta-gareen ayaa maalinkii 2-aad wada hadal laleh Dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadlayaan Iskaashiga labada dhinac.

W; D: Faaraq Cabdulqaadir

Hadalsame Media