Maraykanka & Ruushka oo arrin Somalia ku saabsan u adeegsadey hardanka caalamiga ah ee ka dhexeeya

0

(Hadalsame) 06 Luulyo 2022 – Wadamada Afrika waxay xor u yihiin inay ka iibsadaan badarka ama xabuubka Ruushka laakiin waxay la kulmi karaan ciqaab haddii ay ka ganacsadaan badeecooyinka uu Maraykanku cunaqabateeyey sida saliidda Ruushka, Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidaas sheegtay.

Linda Thomas-Greenfield oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Kampala, kaddib kulan ay la qaadatay MW Yoweri Museveni oo dalkaa 36 sano xukumaya, ayaa xustay in Ruushka laga iibsan kao agabka beeraha sida bacriminta, qamadiga iwm oo qura.

Uganda waxa ay ka mid tahay 25 dal oo Afrikaan ah oo ka aamusay ama aan u codayn qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee lagu cambaareeyey duullaankii Ruushka ee Ukraine horraantii sanadkan, tiiyoo ay jirto in Museveni uu xulufo la yahay Maraykanka, sida uu sheegto.

Waxay safiiraddu intaas ku dartay in haddii waddan uu go’aansado inuu kala macaamilo Ruushka meelaha ay cunaqabatayntu ka saaran tahay, markaas “ay Maraykanku u taagan yihiin fursad ay ku qaadaan tallaabooyin dalkaa ka dhan ah.”

Safarkeeda ayaa ku soo aadaya todobaad uun kaddib markii uu booqasho ku yimid qaarada Afrika Sergei Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, kaasoo meesha ka saaray eedaymaha ah in duullaanka dalkiisu uu ku qaaday dalka Ukraine uu mas’uul ka yahay dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, halka Maraykanka iyo Galbeedku ay Ruushka u saarinayaan baahida iyo busaaradda ka kacday dalal ay Somalia ku jirto.

Lavrov ayaa taa biddaalkeeda wuxuu ku eedeeyey cunno yarida suuqa ka jirta “fal-celinta aan ku filnayn ee reer Galbeedka, kaddib markii ay ku dhawaaqeen cunaqabataynta” kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

Hadalsame Media