Maraykanka oo ku dhaqaaqay tillaabo kasii caraysiin karta dalka Shiinaha (Dalka Hindiya oo shaashadda soo galay)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 – Millateriga Maraykanka iyo Hindiya ayaa dhoollatus wadajir ah ku qaban doona buuraha Himalaya bisha Oktoobar, meel wax ka yar 100km u jirta xuduudda lagu muransan yahay ee India ay la wadaagto Shiinaha, CNN ayaa werisey.

Goobta dhoollatuska ayaa lagu dhawaaqay xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Shiinaha ee ku saabsan Taiwan, halka Hindiya iyo Shiinuhu ay dhowr jeer horay iskula dhaceen xadkan buuralayda ah.

Dhoollatuskan ayaa lagu qaban doonaa bartamaha bisha Oktoobar meel u dhow magaalada Auli ee gobolka Uttarakhand ee Hindiya, sida uu Sabtigan CNN u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada India.

Auli waxa ay ku taalla daadegga koonfureed ee buurta Himalaya, iyadoo uu layligani diiradda saari doono dagaalka joogga sare ee 10,000 cagood (3,000 mitir).

Auli sidoo kale waxay ku taal meel 95 kiiloomitir (59 mayl) u jirta Khadka Koontoroolka Dhabta ah (LAC), oo ah xuduud si dabacsan loo qeexay oo kala qaybisa Hindiya iyo Shiinaha.

Iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan dhulka dhinacyada ka kala xiga xarriiqan, oo u shaqeeynayey sidii xudduud beenaadka labada dal u dhexeeya tan iyo dhammaadkii dagaalkii Shiinaha iyo Hindiya ee 1962-kii.

Dagaal ayaa ka qarxey khadkan sanadkii 2020-kii kaddib markii uu Shiinuhu uu ka soo horjeestey in Hindiya ay waddo ka dhisto dhulka qaybta ay sheeganayso.

Hindiya ayaa sheegtay in 20 askari ay kaga dhimatay dirirtaasi, halka Shiinuhu uu sheegay in laga dilay afar askari.

Hadalsame Media