“Ma aha inaan la haystayaal idiin noqonno!” – Ukraine oo furka ku xoortay Midowga Yurub (Lacag la sugayey oo iman waydey & dalka ku dheggan?)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 –  Madaxwaynaha Ukraine, Vladimir Zelensky, ayaa si kulul u weeraray Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyey in Midowga Yurub ay si bareer ah u joojiyeen gargaarkii uu u ballanqaaday dalkiisa kaasoo dhan €8 bilyan oo Euro.

“Maalin kasta iyo siyaabo kala duwan, waxaan u xasuusinayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha EU-da in hawlgabka reer Ukraine, barakacayaasha, macalimiinteenna iyo dadka kale, ee ku tiirsan lacagaha laga helo EU waa in aysan la haystayaal u noqonin go’aamada ama howl-xafiisyada,” ayuu yiri Zelensky oo muuqaal soo dhigau Telegram-ka.

Midowga Yurub wuxuu hakiyey qoondo €8 bilyan oo Euro ah, iyadoo “dib u dhigista macmalka ah ee gargaarka dhaqaale ee dalkeennu uu yahay dembi ama khalad,” ayuu ku adkaystay MW Ukraine.

Madaxwaynuhu ma uusan magacaabin dalalka mas’uulka ka ah joojinta lacagta, laakiin wuxuu rajo ka muujiyey inay khalad uun tahay “oo la sixi doono.”

Horraantii toddobaadkan, ku xigeenka madaxa xafiiska Zelensky, Igor Zhovkva, ayaa sheegay in Ukraine ay ilaa hadda ka heshay Brussels kaliya 1 bilyan oo Euro, halka “dalalka EU-da qaarkood, oo uu ku jiro Jarmanku” ay xannibayaan wareejinta 8 bilyan oo kale.

Kiev ayaa awoodi waydey inay daboosho godadka miisaaniyadeed ee dalkeeda dagaalka iyo xaalada dhaqaale ee daran awgeed, Midowga Yurub ayaase wuxuu ballanqaaday bishii Maajo inuu siinayo Ukraine €9 bilyan oo kaalmo dhaqaale ah iyo dayn dulsaarkeedu yar yahay dhamaadka 2022.

Hadalsame Media