DAAWO: Uganda oo kashiftay faa’iido balaayiin Doollar ah oo ay Somalia ku qabto (Ma aha howlaha ATMIS)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2022 – MW Somalia, Xasan Sheekh, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta oo ah 8-da bishan uu booqdo dalka Uganda, isagoo halkaa ku joogaya booqasho rasmi ah oo 3 maalmood ah lana kulmaya MW Yuweri Museveni.

Waxaa inta ay booqashadu socoto jiri doona kulan ganacsiga looga arrinsanayo oo dhexmari doona labada dal oo ku qabsoomi doona Speke Resort Munyoyo.

Haddaba, hilinka NTV laantiisa Uganda ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somalia guud ahaan ganacsi ahaan haatan u leedahay dalka Uganada, sida uu sharraxay Francis Kisirinya.

Wuxuu xusay in intii u dhaxaysey 2017 illaa 2020 ama muddo 4 sano gudohood ah ay Soomaaliya kasoo iibsatay dalka Uganda caano iyo waxyaabaha la halmaala caanaha oo qiimahoodu gaarayey $500,000,000 (Shan boqol oo Milyan oo Doollar).

Isla muddadaasi, waxay kaloo Soomaaliya ka soo iibsatey Uganda sonkor qiimeheedu gaarayey $1.4 Bilyan oo Doollar.

Sidoo kale waxay Soomaaliya isla intii u dhaxaysey 2017-2020 ay Uganda ka soo raratay khudaar qiimeheedu gaarayey $1.5 Bilyan oo Dollar, taasoo ay Uganda ku sheegtay sababaha ay suuqaasi Somalia u dhayalsan karin oo ay rajayneyso inuu intaa ka sii ballaarto.

Somalia ayaan lahayn wax soo saar wershadeed oo micne leh iyo dhaqaale fadhiya, waana sababta ay ugu jirto naaqus ganacsi (trade deficit) dalka kasta oo dunida ah.

Hadalsame Media