“Yaan nalaku masaalin Somalia oo ka mid dalalka dunida ugu liita!” – Raila Odinga oo furka xooray (Daawo)

0

(Nairobi) 05 Agoosto 2022 – Hoggaanka Xisbiga ODM ee Raila Amolo Odinga ayaa weerar yasmo ah ku qaaday dalal ay Somalia ka mid tahay.

Raila ayaa dood ka keenay in dalkiisa Kenya la barbardhigo dalal ay ka mid yihiin Somalia, Itoobiya, Uganda iyo South Sudan oo uu ku tilmaamay “kuwa ugu liita dunida.”

Wuxuu Raila taa bidaalkeeda soo jeediyey in dalkiisa lagu metelo “sheekooyinka guuleed” ee dunida ka jira.

Raila ayaa ah musharraxa loo badinayo inuu ku guulaysto madaxtinnimada dalka Kenya oo doorashada heer qaran u dareeraya 9-ka bishan Agoosto.

Musharrax Raila ayaa sidoo kale madlo badan ka caddeeyey inuu halis ku yahay midnimada Somalia, sida in Somaliland la aqoonsado.

Kenya ayaa ah dhaqaalaha ugu ballaaran Bariga Afrika iyo xarun dalxiis oo caalami ah, si ka duwan Somalia oo ah dal ay ficii ka reebeen siyaasad maangaabnimo ku dhisan oo aan fiiro iyo fahmo badan lahayn.


Hadalsame Media