RW Abiy Ahmed oo Somalia kula kacay arrin UGUB ah oo ay xitaa Tigreegu kala xishoodeen (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – DF Itoobiya ayaa bilowday qorshe cusub oo u muuqda mid xitaa kaba sii liita maqaamkii uu nidaamkii Tigreegu ku qaabili jirey ama ku wajihi jirey DF Somalia.

Itoobiya oo sheegtay inay gudaha usoo galeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Shabaabka, sida ay sheegtay, ayaa caddaysay inay weerar rogaal celis ah qaadayso weliba ay samaynayso aag caaggan.

Waxay deeto DF Itoobiya ku dhaqaaqday tillaabo aysan xitaa samaynin Tigreegii mudada dheer ka galaa baxayey Somalia islamarkaana kala qaybinayey.

Tillaabadan ayaa ah inay gobollada Somalia u kala dirayaan wefdi ka kooban sirdoon, millateri iyo Liyu Police.

Arrinta ugubka ihi waa inuu madaxdii Maamul-goboleedyada la kulmayo Taliyaha Ciidamada Liyu Police oo ah booliiska maxalliga ah ee Gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho, taasi abid horay uma dhicin.

Waa jirtey in berigii Tigreega ay Liyu Police xadka wax ka samayn jireen, balse taliskoodu marna lama kulmi jirin madaxda Maamullada Somalia.

Dadka la kulmay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, kaasoo haatan ka degey dalka Itoobiya si uu ula kulmo madax ka tirsan DF Itoobiya oo Baydhabo uga qaadday dayuurad qumaati u duusha.

Wefdiga Itoobiya ayaa horay u tegey Baladwayne, Baydhabo, Hargaysa iyo Gedo oo ay dhammaan dhinacyada kala hadleen amniga iyo siyaasadda.

MW Puntland, Siciid Deni ayaa todobaadyo kahor Addis Ababa kula kulmay madaxda dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen wax lagu tibxay “arrimaha labada dhinac ka dhexeeya.”

DF Somalia ayaan weli arrimahan ka hadlin, iyadoo xaq u lahayd inay Itoobiya arrimahan iyada kala hadasho.

Hadalsame Media