Itoobiya oo toos u caddaysatay siyaasaddii foowdada ahayd ee ay ku wajahaysey Somalia (Tillaabo kale)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, ayaa ka degey dalka Itoobiya si uu ula kulmo madax ka tirsan DF Itoobiya.

Lafta-gareen ayaa halkaa u duulay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Itoobiya oo haatan dagaal ay sheegtay inay Al Shabaab kula jirto ka wadda Xaduuda Koonfur Galbeed ay la leedahay Gobolka Soomaalida oo ay sheegeen inay soo weerareen koox argagixiso ah, sida ay sheegeen.

Nidaamka cusub ee uu hoggaaminayo MW Xasan Sheekh ayaa la dareemayaa inaysan isku fiicnayn nidaamka Addis Ababa, iyadoo aysan xaaladda caawinaynin hadalkii uu beri dhowayd sheegay MW Siisii xilli uu shir jaraa’id la qabaney isaga oo booqday Qaahira.

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa la sheegayaan inay gaareen ilaa Baydhabo oo ay qaar kalena horay u joogeen, iyagoo kuwa kale keenay xadka caalamiga ah oo ay kasoo gudbeen.

DF Itoobiya ayaa dib u bilowday la xaaliddii maamullada Somalia oo iyaguna haatan bilaabay inay u kala cararaan, taasoo muujinaysa in madaxda maamullada laftoodu aysan qiimaynayn madax bannaanida dalka islamarkaana ay iyagu sahlayaan inay Itoobiya ka dhigato jeedal ay la dhacdo xorriyadda dalka Somalia.

Wefdi sare oo ka socda DF Itoobiya ayaa ku sii jeeda Puntland, halkaas oo ay wada hadallo kula yeelan doonaan madaxda Puntland oo ay kala hadlayaan arrimaha amniga xaduudaha, Iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo adkayn lahaa xariirka, sida la yiri.

Wefdiga Itoobiya ayaa horay u tegey Baladwayne, Baydhabo, Hargaysa iyo Gedo oo ay dhammaan dhinacyada kala hadleen amniga iyo siyaasadda.

MW Puntland, Siciid Deni ayaa todobaadyo kahor Addis Ababa kula kulmay madaxda dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen wax lagu tibxay “arrimaha labada dhinac ka dhexeeya.”

Hadalsame Media