Dowladda Shiinaha oo tillaabo adag ka qaadday Nancy Pelosi (Dad kale oo kula jira)

0

(Beijing) 05 Agoosto 2022 – Beijing ayaa waxay go’aansatay inay cunaqabatayn ku soo rogto Nancy Pelosi iyo qoyskeeda dhow safarkeeda Taiwan ee toddobaadkan dartii, sida uu qayaxay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha maanta oo Jimce ah.

Safarka Afhayeenka Aqalka Hoose ee Maraykanka ee Taiwan wuxuu ahaa “daandaansi aad u xun” sababtaas darteed, “Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu cunaqabatayn ku soo rogo Pelosi iyo xubnaha qoyskeeda dhow si waafaqsan shuruucda dalka” ayuu afhayeenku ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Pelosi waxay u safartay jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan “iyado aan tixgelin walaaca Shiinaha iyo mucaaradadda adag ee ay muujisay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booqashadeedu “waxay si wayn u wiiqaysaa madaxbannaanida Shiinaha iyo wadajirkiisa dhuleed, waxay si dhab ah ugu tumanaysaa mabda’a hal-Shiine, waxayna si ba’an u khatar gelinaysaa nabadda iyo xasilloonida guud ee marin-biyoodka Taiwan,” ayay raacisay WAD.

Ninka Afhayeenka Aqalka Wakiillada, Paul Pelosi, oo sidoo kale ah 82-jir ihi, wuxuu leeyahay hanti maguurto ah oo fadhigeedu yahay San Francisco. Waxay dhaleen shan carruur ah, oo mid ka mid ah, Christine Pelosi, 56-jir, uu yahay istiraatijiiste ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Gabadhooda ugu yar, Alexandra, 51-jir, waa filim sameeye leh in ka badan daraasiin dokumenteriyo ah oo ku jira galalkeeda shaqo.

Pelosi, oo safka 3-aad uga jirta jagada madaxtinnimo ee Maraykanka (waxaa ka horreeya MW & Xigeenkiisa oo qura), ayaa gaadhey Taiwan goor dambe oo Talaadadii ah, waxaanay ka tagtay maalintii xigtey, iyadoo noqotay sarkaalkii ugu sarreeyey ee Maraykan ah ee booqda jasiiraddaasi tan iyo 1997-kii.

Hadalsame Media