Daalibaan oo si la yaab leh uga jawaabtey dilkii Al-Dawaahiri (Mowqif hore oo ay ku adkaysteen)

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2022 – Xukuumadda Talibaan ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay in aysan weli wax war ah ka haynin xaalka hoggaamiyaha Al Qacida Ayman Al-Zawahiri, kaas oo la sheegay in lagu diley weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen magaalada Kabul dhamaadkii todobaadkan.

Inkastoo Taliban aysan awoodin inay xaqiijiso dhimashadiisa, misna Abdul Salam Xanafi, Xigeenka labaad ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa cambaareeyey weerarka Washington, isaga oo ku dooday in ay ku xad gudubtey “madaxbannaanida, sharciyada caalamiga ah iyo heshiiskii Dooxa” ee Afgaanistaan, isaga oo tixraacaya heshiiskii 2020-kii.

Taliban iyo Washington ayaa ku heshiiyey in ciidamada shisheeye ee Maraykanku hoggaaminayo ay ka baxaan Afgaanistaan, kuwaas oo hadda isku magacaabay Imaaradda Islaamiga ah ee Afqaanistaan.

“Weli kama warqabno tafaasiisha. Waxa kaliya ee aan ognahay waa in weerar dhanka cirka ihi uu ka dhacay Imaaradeenna Islaamiga ah si adag ayaanay u cambaaraynaysaa,” ayuu Xanafi u sheegay weriyeyaasha isagoo ku sugan caasimadda Afgaanistaan, waana faalladii ugu horreeysey ee rasmi ah ee ay Taliban ka bixiso dilka lagu eedeeyey Al-Zawahiri.

Xanafi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku celceliyey in dowladiisa ay ka go’an tahay in aysan cidna u ogolaanin inay u adeegsato dhulka Afgaanistaan ​​si ay weerarro uga qaadaan ​​wadamada deriska ah ama wadamada kale ee kasii fog.

“Imaaradda Islaamiga igi waxay si adag u garab taagan tahay moowqifkan.” ayuu yiri.

Hadalsame Media