Amnesty oo kashiftay arrin ay ku kacaan Ciidamada Ukraine (MW Ukraine oo si indha adayg ku dhisan isu difaacey)

0

(Kyiv) 05 Agoosto 2022 – Amnesty International ayaa Jimcihii maanta sheegtay in ay garab taagan tahay oo ku adkaysanayso warbixin ay ku eedaysay Kiev in ay halis gelisey dadka rayidka ah iyada oo agabkeeda millateri dhex dhigtay dugsiyada iyo meelaha la deggan yahay.

Baaritaankan ayaa se waxa aad uga ka carootey Dowladda Ukraine iyo xitaa Madaxwayne Vladimir Zelensky.

NGO-gan caalamiga ah ayaa “si buuxda ayuu ugu adkaystay cilmi-baaristooda,” sida ay Xoghayeheeda Guud ee Agnes Callamard u sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo ay e-mail ah qoraal ku gaarsiisey.

Waxay sidoo kale soo dhigtay Twitter-ka in ururkeedu uu garab taagan yahay dhammaan dhibanayaasha, si eex la’aan ah” iyadoo canaanantey kuwo ay ugu yeertey “kooxaha baraha bulshada iyo foowdaawiyiin “weeraraya” baaritaanka Amnesty.

Mar sii horreeysey, MW Zelensky ayaa wuxuu ku eedeeyey NGO-gan inuu “mas’uuliyadda gardarrada uu dusha ka saarayo dhibbanaha isagoo ka wareejinaya dhibihii,” isaga oo taa ula jeeda Ruushka iyo Ukraine, siday u kala horreeyaan.

Madaxwaynaha ayaa isku bihin-bihiyey in warbixin kasta oo falalka “dhibanaha iyo gardarroolaha” si uun u simaysa “aan loo dulqaadan karin.”

Warbixinta, oo la sii daayey Khamiistii, ayaa Kiev ku eedaysay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadminnimada” iyada oo la diiwaangeliyey in Ukraine ay ciidamadeeda gayso meelo u dhow kaabayaasha rayidka, sidaas darteedna khatar gelinaysa nolosha dadka rayidka ah.

Gaar ahaan, NGO-ga Amnestey wuxuu sheegay in uu helay caddayn dhaqdhaqaaq ciidan oo hadda ama ka horba ah oo ay ku aragtay 22 iskuul oo ka mid ah 29 dugsi oo ay booqatay dalka Ukraine intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Luulyo.

Hadalsame Media