Maraykanka oo gantaalo uu Turkiga uga dhaartay siiyey dal kale oo Muslim ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2022 – Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa fasaxday iibka 300 oo batari oo ah gantaalaha Patriot iyo qalab la xiriira oo la siinayo Sucuudiga si ay ugu xoojiso difaaceeda cirka iyadoo ay ku baxayso adduun lagu qiyaasay 3.05 bilyan oo Doollar, sida ay tiri Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee DSCA.

Wakaaladdu waxay sheegtay in boqortooyadu ay codsatay inay soo iibsato 300 oo gantaal oo ah nooca lagu magacaabo Raytheon Technologies oo lagu sameeyay MIM-104E.

Heshiiska waxa kale oo ka mid noqon kara soo daabulidda dhammaan qalabka lagama maarmaanka ah ee la xiriira iyo sidoo kale dukumentiyada farsamada, iyo qaybaha dayactirka iyo kabka.

Washington waxay aaminsan tahay in heshiiskani “uu taageeri doono yoolalka siyaasadda dibedda iyo ujeedooyinka amniga qaranka Maraykanka” sababtoo ah waxay hagaajin kartaa ammaanka “dal jaal ah” oo dhaca gobolka Khaliijka, sida ay u dhigeen.

Sida laga soo xigtey Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca, iibkan waxaa loola jeedaa in lagu buuxiyo kaydka Sucuudiga ee sii yaraanaya ee gantaalaha Patriot, iyada oo ka caawinaysa boqortooyada inay ku adkayso awooddeeda “si ay u wajahdo khataraha hadda iyo mustaqbalka.”

Kuwa dambe, gaar ahaan, ayaa la sheegay inay ku jiraan fallaagada Xuutiyiinta Yemen oo weerarradoodu ay wax u dhimi karaan dadka Sucuudiga ah.

Wakaaladdu waxay kaloo xustay in Sucuudigu ay awood u yeelan karaan inay gantaalaha Patriot ay si sahlan u adeegsadaan ciidamadoodu si dhib la’aan ah, iyagoo ku doodaya in heshiiskani uusan waxba ka bedeli doonin isku dheelli tirnaanta millateri ee gobolka.

Si kastaba, Patriot waa gantaalaha loo diidey Turkiga taasoo keentay inuu Turkigu dalbado gantaalaha Ruushka ee S-400 taasoo uu Maraykanku u isticmaalay fursad uu Turkiga uga eryo barnaamijka S-400.

Hadalsame Media