Dekedda Bayruut oo uu ka dhacay dab kale oo khasaare wayn gaystey (Daawo)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Afar xabo oo haamaha lagu kaydiyo xabuubka ayaa ku burburay Dekedda Beirut ee dalka Lubnaan maanta.

Dhismayaashan oo 50-ka mitir ah ayaa gubanayey dhowr toddobaad, waxayna qayb ahaan dumeen dhammaadkii bishii hore.

Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa qabtay markii ay dhismayaashu dhulka ku soo dhacayeen, taasoo hawada u dirtay daruur qiiq, boor iyo firir ah.

Burburka dhismayaashan dhaadheer ayaa dhacay laba sano kahor maalin kaddib markii qarax aad u wayn oo ay ku dhinteen 190 qof, ayna ku dhaawacmeen 6,000 oo kale, uu burburiyey inta badan magaalada.

Burburka dhismayaasha dhaadheer ayaa dhacay laba sano kahor maalin kaddib markii qarax aad u weyn oo ay ku dhinteen 190 qof, ay ku dhaawacmeen 6,000 oo kale, oo burburiyay inta badan magaalada.

Qaraxaa hore ayaa la sheegay inuu ka dhashay qashin Ammonium Nitrate ah oo si khaldan u kaydsanaa, waxaana burburka ka dhashay shilkan uu meesha ka saaray dowladdii xilligaa dalka ka jirtey, dhaqaalihii halis geliyay, islamarkaana xumeeyey haqab-beelkii cunto ee Lubnaan.

Hadalsame Media