Ciidamada Azerbaijan oo weerar cusub ku qaaday ciidan Armenian ah oo ku sugan Nagorno-Karabakh (Dhimasho jirta)

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2022 – Ciidamada Asarbajaan ayaa qaaday howlgal millateri oo ka dhan ah maleeshiyaadka Nagorno-Karabakh kuwaas oo doonayey in ay “aagag dagaal oo cusub ka sameeyaan” gobolka, sida ay ku warrantay Wasaaradda Difaaca dalkaasi.

Ciidanka Asarbajaan ayaa la wareegey gacan ku haynta qaar ka mid ah “goobo sare ee muhiim ah” intii lagu guda jirey waxa ay ugu yeereen ‘Hawlgalka Aargoosiga’, ayay raacisay Wasaaraddu.

Howlgalka ayaa la bilaabay kaddib markii maleeshiyaadka maxalliga ihi ay “si wayn ugu xadgudbeen” heshiiskii xabbad joojinta ee 2020-kii ee u dhexeeya Yerevan iyo Baku, oo ay dhexdhexaadisey Moscow 2020, ayay ku dartay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Baku ayaa horay ugu eedeeysay malleeshiyaadka Nagorno-Karabakh inay weerareen fariisimaha Ciidamada Asarbajaan ee gobolka, waxa uuna xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan hal askari.

Wasaaradda ayaa sidoo kale daabacday muuqaal u muuqda mid muujinaya duqayn cirka ah oo lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka degaanka lahaayeen oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah unugyada madaafiicda goobta ah.

Muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya dhowr madfac oo la jiidey iyo baabuur xamuul ah oo burburay.

Warkan ayaa imanaya xilli ay xiisadi ka taagnayd gobolka Nagorno-Karabakh maalmihii la soo dhaafay.

Hadalsame Media