”Waxaa la igu yiri xarig ku dil!” – Kabtan Itoobiyaan ah oo kashifay qorshe uu ku khaarajin lahaa Nelson Mandela

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – 60 sano kaddib tababar ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo Nelson Mandela lagu siiyey Itoobiya, sarkaal hore oo millateriga ka tirsanaa oo ilaaladiisa ahaan jiray ayaa sheegay in la isku dayey in la dilo astaantii Koonfur Afrika ee ka hortagga midab-takoorka intii uu socdey tababarku.

Kabtan Guta Dinka, oo 89 jir ah haatan, kana mid ahaa afar askari oo ilaalo u ahaa Mandela, ayaa Wakaaladda Anadolu uga warramay qorshaha dilka iyo sida uu u fashiliyey.

“Saaxiib hore oo ciidanka ahaa oo magaciisa la yiraahdp Abraham ayaa i baray nin caddaan ah iyo nin Afrikaan ah, waxayna doonayeen in aan xarig ku dilo Mandela. Waxay isiiyeen lacag gaaraysa £2,000 ($2,371) iyo kaamaro si aan sawirro uga qaado Mandela marka aan dilo,” ayuu yiri.

”Waxay doonayeen inaan dilo kaddibna waxay ii ballanqaadeen nolol raaxo leh oo Ingiriiska ah,” ayuu raaciyey.

Askarigii ayaa qorshahan khaarajiska ah ku wargeliyey Jen. Tadesse Birru, wuxuuna siiyey lacagtii iyo kaamaradii. Birru ayaa xerada masuul ka ahaa.

“Qorshahaas waxaa la fashiliyey iyadoo xabsiga la dhigay Abraham. Ninkii caddaanka ahaa iyo kii Afrikaanka ahaa ayaa iyana islamarkiiba loo tarxiilay Kenya,” sida uu yiri isagoo aan sheegin cidda raggan soo adeejisey.

Mandela waxa uu Itoobiya booqday Lululyo 1990, shan bilood kaddib markii xabsiga laga soo daayey. 

Mandela ayaa Koonfur Afrika xukumayey min 1994-1999 isagoo noqday hoggaankii ugu horreeyey ee madow ah ee dalkaa ka taliya. Wuxuu dhintay Diseembar 2013 kaddib bugto muddo taagnayd.

Hadalsame Media