SAADAAL: Duufaan-qorrexeed berri kusoo wajahan dhulka (Sida ay u samaysanto & meelaha qaar oo uu cirku midabo kale yeelan karo)

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – Dhulka ayaa waxaa la sheegayaa inay kusoo wajahan tahay Duufaan-qorrexeed maalinta berri ah Agoosto 3, sida Maamulka Badwaynta iyo Hawada Qaranka Maraykanku (NOAA) ay ku dhawaaqday, waloow ay ku sheegeen duufaan yar oo ah heerka G1.

Duufaanta G-1 waxay wiiqi kartaa howsha xarkaha korantada, dayax-gacmeedyada iyadoo sidoo kale kicin karta ifafaalaha loo yaqaan Aurora ama waxa loo yaqaan Nalalka Woqooyi ee aalaaba laga arko gobollada ku hareeraysan cirifka woqooyi ee dunida – waxaa tusaale ahaan isbedeli doona midabka buluugga ah ee cirka taasoo laga laga arki kari doono Canada iyo Alaska, haddii Alle idmo.

Si kastaba ha ahaatee, wax wayn oo laga welwelaa ma jiraan waayo G-1 waa heerka ugu daciifsan 5-ta heer ee ay NOAA u cabbirto Duufaan-qorrexeedyada ka yimaada qorraxda.

Duufaantan oo oo birlab-dhuleedka saamaysa waxaa u sabab ah hog wayn ku yaalla gobolka koonfur-galbeed ee wejiga qorraxda ee dunida soo xiga, kaas oo soo butaacinaya ‘walxo gaas ah’.

Mike Cook, oo ka shaqeeya howlgalaha cimilada hawada sare, ayaa DailyMail.com u sheegay in qaxaabtan qorraxda ku dhex taallaa (coronal hole) ay aad u kordhiso xowliga dabaysha cadceedda taasoo keenaysa in dhimbilo aad u waawayni ay kasoo faniinaan qorraxda oo ay soo aadaan dhinaca dhulka.

Taas ayaana keentay in la saadaaliyo inay sababi karto Duufaan-qorrexeed heerkeedu yahay G-1, laakiin waxaa la eegi doonaa inay taasi rumowdo iyo in kale 24 ilaa 48 saac oo soo socda, haddii Alle idmo.

NALALKA WOQOOYI: Aurora Borealis…Waa ifafaale laga arko CIRIFKA WOQOOYI IYO KAN KOOFURE ee caalamka gaar ahaan aaga DHIGAHA SARE (High altitudes) waxaad arkaysaa cirka oo leh midabo kala gedisan (CAGAAR, ZAYTUUNI, CASAAN IWM) waxaana u sabab ah sida layiri hanaanka uu dhulku iskaga difaaco falaaraha halista ah ee Hawada Sare ka yimaada ee loo yaqaano EARTH’S MAGNETIC FIELD oo dib u celinaya SAXARRO DANABEYSAN oo badanaa qoraxda kasoo dhaca.

Hadalsame Media