Laba dal oo Yurub oo ay xurguf diblomaasiyadeed ka dhex taagan tahay (Haweeney Carab ah oo u sabab ah)

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine ayaa diidda in Wasiirka Arrimaha Dibedda Belgian ay soo booqato dalka sababo la xiriira safar ay sannadkii 2021 ku tagtay jasiiradda Crimea, kaas oo aanay la dhicin Kiev, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi.

Sida laga soo xigtey shabakadda wararka ee Evropeyskaya Pravda, iyadoo Kiev aysan si rasmi ah uga mamnuucin Hadja Lahbib inay gasho Ukraine, waxay misna istaagtey meel adag.

“Qofna ma doonayo inuu wiiqo xiriirka Belgium, oo xubin ka ah Midowga Yurub iyo NATO. Laakiin falalka noocaas ahna looma dulqaadan karo, sababtoo ah waxay abuuri doonaan tusaale khatar ah,” ayay tiri warbixintu.

Lahbib, oo u shaqaynaysey suxufi ahaan kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibedda, waxa ay ka qayb gashay dabbaaldeggii ‘Dhaqanka Caalamiga ah’ ee dhacay Luulyo 2021 iyadoo lagu qabtay magaalada Crimea ku taal ee Sevastopol.

Waxaa lagu soo warramayaa in ay aaddey Crimea iyada oo aan sii marin dhulwaynaha Ukraine, balse ka timid magaalo kale oo Ruush ah, taas oo “ku xad gudubtay sharciga Ukraine” oo jasiirad u ekahan laga goostay.

Ukraine ayaa sidoo kale ka caraysan in Lahbib markii ay laabatay ay sheegtay hadallo muujinaya inay Crimea u aqoonsan tahay qayb Ruush ah ahaan.

Sidaas darteed, waxaa laga yaabaa in wasiirka laga mamnuuco inay booqasho ku tagto Ukraine muddo saddex sano ah, lagana qaado ganaax.

Wasiiradda oo aan la ogayn inay booqan doonto Ukraine ayaa asal ahaan kasoo jeedda dalka Aljeeriya iyadoo arrintani ay muran iyo xiisad diblomaasiyadeed ka dhex oogtey labada dal.

Hadalsame Media