Wiilkii ay gabadhu calmatay oo soo jawaabey & Muno oo cayintay sababta gaarka ah ee ay ku dooratay (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Muno Cabdi Abiib oo ah gabar ku nool Gobolka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho waxayna ilaa shalay haysatey baraha bulshada kaddib markii ay sheegtay inay calmatay askari ka tirsan Ciidanka maxalliga ah ee Liyu ee la dagaallamaya Al Shabaab.

Muno go’aankeeda markii ugu horreeysey ka warrantay ayaa sheegtay in sababta ay wiilka u dooratay ay tahay ”geesinnimadiisa”, balse aysan wax aqoon ah u lahayn iyadoo xustay inay uga heshay inuu kaligii abbaaray miino ay Shabaabku meel ku aaseen, sida ay tiri.

Waxay Muno sheegtay in wiilka aysan weli is maqal waloow ay madax kala duwan oo degaanka ihi lasoo hadleen sida ay sheegtay.

Waxay kaloo xustay inay xansatay maqaamka guur ee wiilka oo ay hubisay inuusan xaasle ahayn. ”Wiilka telefoonkiisa makuugu dhiibnaa ayay igu yiraahdeen madaxdiisu, balse anigaa diidey.” ayay tiri.

Waxay Muno rajaysey in rabitaankeedu uu u hirgeli doono iyadoo sidoo hablaha kale ku dhiirisey inay ku daydaan.

Wiilka ay Muno calmatay oo la yiraahdo C/Yare ayaa isna isagoo Godeey ku sugan saakay aqbalay dalabka Muna Cabdi Abiib.

Hadalsame Media

Facebook Comments