”Cidna uga habran mayno buuxin biyo-xireenka!” – RW Abiy oo wax laga waydiiyey shirkii jaraa’id ee Qaahira

0

(Addis Ababa) 27 Luulyo 2022 – Raysal Wasaaraha DF Itoobiya ayaa ka hadlay arrinta Webiga Niilka oo ay ka taagan tahay dood kala dhaxaysa dalalka kale ee uu maro ama ku dhamaado sida Suudaan iyo Masar.

Wuxuu Abiy sheegay inay iyagu leeyihiin biyaha Niilka Cad, si cadna ay u buuxin doonaan oo aysan cidna uga habran doonin, isagoo u muuqday in uu ka jawaabayo shirkii jaraa’id ee ay 2 maalmood kahor ay Qaahira ku wada qabteen madaxda Soomaaliya iyo Masar.

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa tilmaamay in “la saaray caddaadis heer calaaami ah iyo caqabado badan oo gudaha ah iyo dibedda ah kuwaasoo ay wajahayeen labadii sanno ee la soo dhaafay.

”Dalalkii caddaadiskan oo kale wajahay way ku burbureen, halista aan ka badbaadney, waxayna keentay inaan buuxino biyo-xieeenka Abaay.” ayuu ku faanay RW Itoobiya.

Abiy, ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqaynayo dhismaha wax uu ku sheegay Itoobiya mideysan, barwaaqo ah islamarkaana aan magaceeda lagu lamaaninaynin ”dalkii faqriga iyo gaajada ahaa.”

Hadalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa laba maalmood uun kaddib shirkii jaraa’id ee MW Siisi iyo dhiggiisa Xasan Sheekh ee Qaahira ka dhacay, kaasoo uu Siisi oo u muuqdey inuu Somalia sallaxayo uu ku sheegay inay ka wada hadleen arrinta biyo-xireenka, waloow uu Abiy diidey inuu si toos ah uga jawaabo warka Siisi.

Hadalsame Media