Madaxtooyada oo beenisey inay gashay arrimaha Webiga Niilka ee Masar-Itoobiya

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2022 – Madaxtooyada DF Soomaaliya ayaa beenisey in ay MW Masar ee Cabdilfataax Siisii iyo dhiggiisa Xassan Sheekh ay ka wada hadleen arrinta Biyo-xireenka Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar, ayaa beeniyey in ay Soomaaliya & Masar isla soo qaadeen arrimaha biyo-xireenka wabiga Niilka.

Waxa uu Afhayeenku sheegay in labada Madaxwayne aysan kulankaa kusoo hadalqaadin mowqif u gaar ah oo ku saabsan Webiga Niilka intii ay ku guda jireen shirkoodii jaraa’id ee Qaahira.

Shalqy, Madaxwaynaha Masar oo uu garab taagan yahay MW Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in ay isku waafaqeen in la difaaco xaqa ay Masar u leedahay biyaha Webiga Niilka Cad oo kasoo bilaabma gudaha Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa xalay cadeeyey in ay Soomaaliya qaadatay doorka la safashada xaqa shacabka Masaaridu ay leeyihiin.

Hadalsame Media