Cillad raagtey oo markale ka muuqanaysa siyaasadda arrimaha dibedda Somalia

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2022 – Caadiyan siyaasadda arrimaha dibedda wadan leeyahay waxaa lagu dhisaa talo wadaag iyo baaraandeg qotodheer.

Shakhsiga caadiga ah ayaa dhinacyo badan is dul taaga marka uu go’aan gaarayo, laga yaabee in uu tallaabada kahor u talo badsado.

Si loo ilaaliyo danaha waqtiga gaaban, dhexe iyo fog, siyaadadda arrimo dibadeed ee dal leeyahay way qoran tahay.

Isbedel walba oo ku yimaadda maamulka, danaha qaranka waa istaraatiji, ama waxyar ayaa laga bedelaa, waana mid xisbiyeysan oo horeyba loo sii ogaa.

Soomaaliya se, waxaa arkeysaa Madaxweyne inta hore u sii wata boorso qaadeyaal iyo kuwo kaliya raba in ay safka ka soo muuqdaan iyo “safar baan u baxay” soo gelaya heshisyo inta uusan imaanba diyaarsanaa.

Dhacdooyinkan marar badan ayey dheceen, foolxumo ayey ku tahay dowladnimada casriga ah ee aan rabno in aan dhisno – waana qar iska xoornimo, hawltul-hamag ah.

Dowladnimada dheesha halaga daayo.

W; D: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media