“Turkigu labada dhinacba wuu la ciyaarayaa” – Maraykanka oo ka caroodey sida uu Turkigu heshiis ula wada yahay Ruushka & Ukraine

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – Turkiga ayaa la sheegayaa inuu “aad uga caraysiinayo” Maamulka Madaxwaynaha Maraykanka, Joe Biden, sida ay werinayso New York Times.

Sida laga soo xigtey wargayska, mawqifka Ankara ee xiisadda Ukraine waa qayb ka mid ah arrimo badan oo kala duwan oo aysan Washington ku qanacsanayn.

Ku lug lahaanshaha Ankara ee heshiiska ay Qaramada Midoobey dhexdhexaadisey ee ku saabsan dhoofinta qamadiga Ukraine ee u dhexeeya Moscow iyo Kiev maalmo kahor ayaa waxaa soo dhaweeyey Washington, laakiin micnaheedu maaha in dhammaan dhibaatooyinka xiriirka Maraykanka iyo Turkiga la xalliyey, sida ay majaladdu ka digtey.

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay “madax-xanuun” iyo “Il caro badan oo la taaban karo” u keenta Washington.

The Times ayaa soo xigtey Wakiilka Aqalka Maraykanka ee Chris Pappas (D-New Hampshire), kaas oo sheegay in “Turkigu uu la ciyaaray labada dhinacba islamarkaana aysan ahayn xulafo la isku hallayn karo ama lagu tashan karo.”

“Waxaan u malaynayaa in Maamulka Biden uu u baahan yahay inuu qaato mowqif adag.” Pappas ayaa ku adkaystay.

Ankara oo xubin ka ah NATO ayaa dhaleeceysay weerarka millateri ee Moscow ee Ukraine waxayna siisay ciidamada Kiev diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar, laakiin isla mar ahaantaana waxay diiddey inay ku biirto cunaqabataynta caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka waxayna sii waday la macaamilka waddankaasi, waana taas sababta ay Maraykanka iyo Galbeedku u caraysan yihiin.

Hadalsame Media