Weriye Cabdisalaam Hereri oo ay baraha bulshada ku haysato arrin hadda kahor ku dhacday culumadii Axmad ibnu Xanbal & Yaxyaa ibnu Maciin

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2022 – Weriye Cabdisalaam Hereri ayaa wuxuu dhibaato kala kulmayaa dad magaciisa ku samaysanaya xisaabaad cusub oo baraha bulshada ah, balse waxaa ugu daran in lagula murmayo in magaciisa iyo sawirkiisa uu isagu leeyahay.

Waxaa arrintaa waafaqsan qiso horay u qabsatay Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin.

“Qisooyinka ugu cajiibsan ee baabka al-mawduuca waxaa ka mid ah tan. Imaam Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin oo masjid Baqdaad ku yaalla ku tukanaya ayaa nin kuwa dadka u sheekeeya (Qassaas; القصاص) ahi istaagay oo bilaabay in uu “xadiis” akhriyo:
حدثنا أحمد بن حنبل ويحيى بن معين قالا حدثنا عبد الرزاق عن معمر عن قتادة عن أنس قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: من قال لا إله إلا الله خلق الله كل كلمة منها طيرا منقاره من ذهب وريشه من مرجان
Waxay noo warrameen Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin, waxay yidhaahdeen waxaa noo warramay Cabdurrasaaq oo ka weriyey Macmar oo ka weriyey Qataadah oo ka weriyey Anas, inuu yidhi: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- waxa uu yidhi: “…”

Labadii caalim inta ay is-eegeen baa ay yidhaahdeen haddaa noogu horraysa! Waa ay aamuseen intii uu ka dhammaynayey. Isna inta uu dhawr dirham dadkii ka qaatay baa uu fadhiistay. Yaxye ayaa u gacan haadiyey, oo markii uu u yimid weydiiyey “xadiiskan yaa kuu sheegay?”

Waxa uu ku jawaabay “Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxyaa ibnu Maciin.” Yaxyaa u jawaabey oo yidhi “Anigu waxa aan ahay Yaxye ibnu Maciin, kanina waa Axmad ibnu Xanbal, waxan aad sheegaysana weligayo ma aannan maqlin e, haddii aad been sheegaysid cid kale ka sheeg.”

“Ma adigaa Yaxye ibnu Maciin ah?”

“Haa.”

“Weligayba waxa aan maqli jirey Yaxye ibnu Maciin waa nacas! Haddaanse ogaaday.”

“Sidee ayaa aad ku ogaatay in aan nacas ahay?”

“Ma waxa aad mooddeen in aysan adduunka joogin Yaxye ibnu Maciin iyo Axmad ibnu Xanbal aan idinka ahayn? Waxa aan wax ka qoray 17 Axmad ibnu Xanbal iyo Yaxye ibnu Maciin.”!

Imaam Axmad gacanta inta uu wejiga saaray ayaa uu yidhi “iska dhaaf ha kaco e.” Halkii baa uu ka kacay isaga oo ku jeesjeesaya labadii caalim.”

W; Q: Maxamed Yuusuf

Hadalsame Media