Kulaylkii Ingiriisku ka qaylinayey oo Sweden & Scandinavia soo gaarey

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2022 – Kulaylka ku dhuftay dalka Britain ayaa maanta gaaray dalka Sweden . Heerkulka ayaa la filayaa inuu sare u kaco qaybo badan oo dalka ah, isagoo meelaha qaar gaaray ilaa 35 darajo.

Heerkulka dalka Iswiidan ayaa billaaban doona inuu sare u kaco laga bilaabo maanta, laakiin heerkulku waxa la filayaa inuu sare u kaco maalmaha Arbacada iyo Khamiista. Waa kulayl isku mid ah oo saameeyay qaybo badan oo Yurub ah, taas oo keentay in la diiwaan geliyo.

– Heerkulka inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 digrii ayaa laga filan karaa Götaland maanta ka dibna wuu kordhi karaa intaas ka dib, ayay tidhi Sandra Verstedt oo ku takhasusay saadaasha hawada .

Inta lagu jiro Arbacada iyo Khamiista, hawo diiran ayaa ka kici doonta Juttaland, Svialand iyo koonfurta Norrland, iyada oo heerkulku uu ka sarreeyo 30 darajo,” ayay raacisay. Sida uu sheegay TT.

Kulaylka ayaa la filayaa in uu gaaro heerkii ugu sarreeyey maalinta Khamiista ee qaybaha bari ee götaland iyo svealand. Waxa laga yaabaa inay gaadho ilaa 35 digrii meelaha qaar. Heerkulkii ugu sarreeyay ee abid Iswiidhan laga diiwaan geliyo wuxuu ahaa 38 digrii 1933 iyo 1947kii.

“Waxaa jiri doona heerkul aad u sarreeya, maaha wax aan ku aragno inta badan Iswidhan,” Versted ayaa sidaas tiri.

Somaliska

Hadalsame Media